Ma Ka heshay Dukumeentiyo Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Maamulka?
Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Maamulka (Office of Administrative Hearings, OAH) waxa uu gacan ka geystaa xallinta khillaafaadka u dhaxeeya dadka iyo wakaaladaha dawlada. Haddii aad dukumeentiyo ka heshay OAH, waxaad u badan tahay inay ka qayb tahay dacwad dhageysi la xidhidha khilaafkaas.
Labadii dukumeenti ee ugu caansanaa ee aan kuu soo dirnay waa Ogeysiisyada Dacwad Dhageysiga iyo Amarrada.
- Ogeysiiska Dacwad Dhageysiga (Notice of Hearing) ayaa ku ogeysiinayaa in dacwad dhageysi la qorsheeyay.
- Amarka (Order) wuxuu sharxayaa go'aanka garsooraha ee ku saabsan dacwad dhageysiga.
Si aad u ogaato waxa ay tahay inaad sameyso tallaabada xigta, dib u eeg dukumeentiyada tusaalaha ah ee lagu bixiyay iyagoo ku qoran Somali oona la barbardhig kuwii aad hesha. Tusaalooyinkani waxay bixiyaan macluumaad guud oo keliya. Wixii ah faahfaahin gaar ah oo ku saabsan dacwad dhageysigaaga, dib uga eeg dukumeentiyada aanu kuu soo dirnay.
Kala xidhiidh Xarunteena Adeegga Macmiilka lambarka 1-800-583-8271 wixii su'aalo ah. Waxaan kuu siin doontaa turjumaan si bilaash ah.
Dheefaha Shaqo la'aanta (Unemployment Benefits)
Adiga ama loo-shaqeeyahaaga waxaad ku khilaafsan tihiin go'aanka ay gaartay Waaxda Amni-sugida Shaqada (Employment Security Department, ESD).
- Tusaalaha Ogeysiiska Dacwad Dhageysiga Shaqo La'aanta (Notice of Hearing): Inta badan dacwad dhageysiyada shaqo la'aanta waxaa lagu qabtaa taleefoonka. Waad soo waceysaa dacwad dhegeysiga. Waxaad ka heli kartaa lambarka taleefoonka iyo koodhka gelitaanka gudaha Ogeysiiskaaga Dacwad dhageysiga.
- Sida La Isugu Diyaariyo Dacwad Dhageysiga Shaqo La'aanta (How to Prepare).
- Xuquuqda Rafcaanka ee Shaqo la'aanta (Appeal Rights) haddii aadan ku raacsaneyn Amarka garsooraha. Dukumeenti la turjumay ayaa dhawaan imaanaya.
- Mooshonka Ka Bixida (Motion to Vacate) haddii aadan awoodin inaad ka soo qeybgasho dacwad dhageysigaaga. Dukumeenti la turjumay ayaa dhawaan imaanaya.
Masruufka Carruurta (Child Support)
Adiga ama waalidka kale ee ilmahaaga(caruurtaada) ayaa ku khilaafsan go'aanka Qeybta Masruufka Caruurta (Division of Child Support, DCS) si loo dhiso, loo fuliyo, ama wax looga beddelo masruufka ilmaha.
- Tusaalaha Ogeysiiska Dacwad Dhageysiga Masruufka Ilmaha(Notice of Hearing): Inta badan dacwad dhegeysiyada Masruufka Ilmaha waxaa lagu qabtaa taleefoonka. Waxaan kuugu soo waceynaa si aad uga qeybqaadato dacwad dhageysiga. Kahor wakhtiga dacwad dhageysiga, xaqiiji inaad imaatid oo aadna xaqiijiso lambarka taleefanka ay tahay inaa kaasoo wacno. Waxaad sameyn kartaa tan wakhti kastaa.
- Sida Loogu Diyaargaroobo Dacwad Dhageysiga Masruufka Caruurta (How to Prepare)
- Ku soo dar dukumeentiga Shaacinta Macluumaadka Qarsoodiga ah – hadaa u soo gudbiso dukumeetiyo dacwad dhageysigaaga.
- Xuquuqda Rafcaanka ee Masruufka Caruurta (Appeal Rights) haddii aadan ku raacsaneyn Amarka garsooraha.
Gargaarka Dadweynaha (Public Assistance)
Waxaad ku khilaafsan tahay go'aanka Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka (Department of Social and Health Services, DSHS) si ay u diido, wax uga beddesho, ama u joojiyaan dheefaha sida mucaawinnada cunteed, guryeynta iyo baahiyaha aasaasiga ah, ama kaalmada ku meel gaadhka ah ee la siiyo qoysaska baahan.
- Tusaalaha Ogeysiiska Dacwad Dhageysiga ee Gargaarka Dadweynaha (Notice of Hearing): Inta badan dacwad dhageysiyada Gargaarka Dadweynaha waxaa lagu qabtaa taleefoonka. Waanu ku soo waceynaa dacwad dhageysiga. Kahor dacwad dhageysiga xaqiiji inaad imaado oo aadna xaqiijiso lambarka taleefanka ay tahay inaa kaasoo wacno. Waxaad sameyn kartaa tan wakhti kastaa.
- Sida Loogu Diyaargaroobo Dacwad Dhageysiga Gargaarka Dadweynaha (How to Prepare).
- Xuquuqda Rafcaanka ee Gargaarka Dadweynaha (Appeal Rights) haddii aadan ku raacsaneyn Amarka Hore (Initial Order) ee garsooraha ama Amarkii Kama Danbeysta ahaa (Final Order).
Washington Apple Health iyo Medicaid
Waxaad ku khilaafsan tahay go'aanka Maamulka Daryeelka Caafimaadka (Health Care Authority, HCA) si ay u diido, wax uga beddesho, ama u joojiso dheefahaaga caafimaadka.
Dacwad dhageysiyada HCA qaarkood waxaa soo waceysaa dacwad dhageysiga. Kuwa kale, waan ku soo waceynaa.
- Tusaalaha Ogeysiiska Dacwad Dhageysiga Apple Health haddii aad soo wacdo dacwad dhageysiga (Notice of Hearing). Waxaad ka heli kartaa lambarka taleefoonka iyo koodhka gelitaanka gudaha Ogeysiiskaaga Dacwad dhageysiga.
- Tusaalaha Ogeysiiska Dacwad Dhageysiga Apple Health haddii aan kuu soo wacno dacwad dhageysiga (Notice of Hearing). Kahor dacwad dhageysiga xaqiiji inaad imaado oo aadna xaqiijiso lambarka taleefanka ay tahay inaa kaasoo wacno. Waxaad sameyn kartaa tan wakhti kastaa.
- Sida La Isugu Diyaariyo Dacwad Dhageysiga Apple Health (How to Prepare).
- Xuquuqda Rafcaanka ee Dacwad Dhageysiga Apple Health (Appeal Rights) haddii aadan ku raacsaneyn Amarka garsooraha. Dukumeenti la turjumay ayaa dhawaan imaanaya.
Ugu soo gudbinta Dukumeentiyada Onlaynka Dacwad Dhageysigaaga
Waxaad isticmaali kartaa Bogga Intarneetka ee Ka Qaybqaataha (Participant Portal) ee OAH si aad u soo gudbiso dukumeentiyo ama si aad uga eegto faahfaahinta ku saabsan dacwad dhageysigaaga. Dib ugu eeg Bogga Intarneetka ee Ka Qaybqaataha iyadoo ku qoran Somali si ay kaaga caawiso dhex-maaxida websaydka.
Kahor intaadan isticmaalin bogga intarneetka, waa inaad marka hore ka samaysataa akoon Secure Access Washington (Gelida Amni-gugan ee Washington)(SAW). Raac tilmaamaha hoos ku qoran si aad u bilowdo:
Ka wac OAH lambarka 1-800-583-8271 haddii aad ka qabto wax su’aalo ah dacwad dhageysigaaga. Diyaarso lambarkaaga (docket) dukumeentiga.
Macluumaadka Turjumaadda
Waxaa si xirfad ay ku dheehan tahay loo turjumay dhammaan macluumaadka boggan ku yaala.
Haddii aad rabto inaad ku dhex maaxdo dhammaan websaydka isagoo ku qoran luqadaada, websaydka OAH waxaa turjumay Google si lagaaga caawiyo inaad ku akhrido nuxur websaydka luqado kale oo aan Ingiriisiga ahayn. Afeefta Turjumaadda